“Waxaan Caawa Joogaa Buuhoodle, Ciidankuna Waxay Qabsadeen 3 Taangi Waxaanay Gubeen 6 Tikniko Ah” …..Taliyaha Ciidanka Qaranka Muj: Jidhif

Buuhoodle (Foore)- Taliyaha  Ciidanka Qaranka  Somaliland  Gen. Maxamed  Xasan (Jidhif) ayaa ka hadlay  dagaalkii shalay ka dhacay Degmada  Buuhoodle isaga oo sheegay in ciidanka qaranku ku sugan yahay Buuhoodle, isaga oo xusay inay gacanta ku hayaan oo ay maleeshiyaadkii nabadiidka ahaa ka hulleeleen Buuhoodle.

Taliyaha Ciidanka Qaranka  Somaliland Gen. Maxamed Xasan Jidhif  oo isaga oo ku sugan Buuhoodle dhexdeeda warbaahinta dawladdu khadka taleefanka kula xidhiidhay ayaa sheegay in ay maleeshiyada dagaalku dhex maray ciidanka qaranka ay ka qabsadeen Seddex Taangi halka ay ka gubeen 6 Tigniko ah, waxaanu Taliyaha Ciidanka Qaranku sheegay in ciidanku wakhtigan ku sugen yahay Magaalada Buuhoodle.

Taliyaha Ciidanka Qaranka oo arrintaasi warbaahinta u faahfaahinayaa waxa uu yidhi: “Dhinaca Somaliland  waxa ka dhaawacmay hal Askari wax kale oo nasoo gadhay majiro, waxaanu qabanay Seddex taangi, ilaa lix tigniko ahna waanu gubnay. Dhibaato wayn ayaa ku dhacday nimankaasi. Wakhtigan waxaan ku sugan nahay Buuhoodle labaatankii sanadood ee dawladdii Siyaad Barre burburtayna waxaan saaranahay iyo waanu qabanay ayaa lalahaa laakiin caawa aniga oo Afka Ciidanka Qaranka Somaliland ku hadlaya waxaan kaala hadlayaa waa Buuhoodle”

Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland waxa uu sheegay in aanay jirin wax dhibaato ah oo ciidanka ka soo gaadhay dhinaca shacabka isla markaana ay ciidanku ku sugan yihiin xeryihii ciidankii Siyaad Barre ku lahaayeen degmadaasi. Isaga oo arrintaasi faahfaahinaya waxa uu yidhi Taliyuhu: “Xaaladda magaaladu waa iska caadi, cid mudaharaadaysa iyo cid naga cabanaysa midna ma jirro, meheradihiina way iska furan yihiin markaa anagu waxaan joogna Xeryihii hore ee Dawladii siyaad Barre.  Ma jiraan wax dhibaato ah oo aanu dadka u gaysanay iyaguna wax dhibaato ah nooma gaysan, nabad ayaan kuwada joognaa, xaaladuna waa sidii caadiga ahayd ee ay awalba ahayd”.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Gen.Maxamed Xassan Jidhif ayaa sheegay in uu dagaalkan ka dambeeyay Ninka lagu magacabo Cali Khaliif Galaydh isaga oo sheegay in ay Ciidanka Qaranku ay Is difaacen waxanu yidhi:

“Nimankii maleeshiyaadka ahaa way ka baxeen magaalada oo  way yaacen oo xagaasi Itoobiya ayay u yaacen, mushkiladda waxa keenay Ninkan la yidhaa  Cali Khaliif Galaydh la yidhaahdo meelahaa  dibada ayuu ka yimid, laakin annagu dadkayaga dhibaato lama ogolin hase ahaate haddii mar lagu soo doonto waxaad  galaysa waa difaac”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *