“Waxaad ku jirtaa Horyaal, xilka aad haysana waxa kaaga hadhay inta shirka Golaha dhexe”

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigge (Shabeel), ayaa sheegay inay xilka ka qaadi doonaan Guddoomiye Ku xigeenka xisbigaasi C/Raxmaan /Qaadir, waxaanu naqdiyay eedo uu u jeediyay xukuumadda.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Huteelka Dalxiis ee magaalada Hargeysa.

Jaamac Shabeel oo daba socday eedo uu u jeediyay xukuumadda wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan ummada uga cadeeyo mawqifkayaga ku aadan nin sheegaynaya ku simaha Gudoomiyha Kulmiye oo dhawaan Saxaafada la hadlay, oo xisbigiina nuqsaan u soo jeediyay, dawladana wax badan oo aanay waxba ka jirin ku dhaliilay oo ku eedeeyey. Ina Cabdiqaadir maalin hore ayuu hadlay waxa uu u hadlay si calaacal ah, waxaanu nidhi maalintaas hore mar haduu sidaas u hadlay malaa waxa u eg inuu England iskaga dhoofo oo uu wadanka isaga tago, waayo wax kale oo u yaalaa ma jiro, taasina waa ayaan darro, Waanu u garanwaymau markuu madaxweynuhu mar labaadkii Wasiirnimadii ina Cabdiqaadir dhaafiyey, waayo sidanba umuu hadleen haduu ina Cabdiqaadir qaranka xil ka qaban karayo.”

Guddoomiyaha Golaha dhexe waxa uu sheegay inay Guddoomiye Ku xigeenka KULMIYE ka qaadi doonaan xilka marka la gaadho shirka golaha dhexe, waxaanu yidhi “C/Raxmaanoow magaca aad sidato waxa kuugu hadhay inta uu qabsoomayo shir weynaha xisbigu, xisbigana sidii aad dibada iskaga dhigtay ayaad dibada ugu taalaa iska sii sheego. Waxaa ka hadhay shirka Golaha Dhaxe waxaad doonayso laakiin waan kuugu bushaaraynayaa in aanu kaa qaadayno xilka aad hayso. Adiga oo iskaga tagay Kulmiye oo aanu ku ognahay oo ururka Horyaal ah ka tirsan wax kuu ekeyd inaad sida raga qaarkood sidii sharafta lahayd ee ay nooga tageen inaad nooga tagto, aad urur furato aad soo diyaar garowdo doorashada oo aad nala tartanto,”

Jaamac Shabeel waxa uu ku dooday inay xukuumadda KULMIYE ay wali haysato taageeradda shacbiga, waxaanu yidhi “Ina Cabdiqaadir markuu leeyahay haddii cod la qaado KULMIYE maanta heli maayo 20% waxaan leeyahay dee malaa dalkaba ma joogtid oo muraara-dilaacii ayaad ku maqan-tahaye. soo noqo C/Raxmaanoow toos waa hurudaaye, oo hurdada ka kac KULMIYE maaha mid la leehayay maanta 20% ayaad helaysaa, malaa mafrishyadana ma tagtid, maqaaxiyaha ma tagtid basaska dadweynuhu raacaana ma raacdid.”

“Ina Cabdiqaadir waxa uu ka hadlay arrimo muqusmaasuq waxana uu yidhi waxa kordhay musuq-maasuq ay Xukuumadu samayso, halkuu ku arkay musuqa kordhay, waxaan leeyahay isaga iyo qayrkiiba markaad ka hadlaysaan musuqmaasuq anagu lacagta waxaanu u dhiibnay Maxamed Xaashi isagana ummadu way taqaanaa nin aanu gaadhayna inuu caayo waa doqoniimo uun,”ayuu yidhi Jaamac Shabeel.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *