“Waxa Jira Xisbi Sheegay Inay Qaadaceen Doorashada, Doorashada Somaliland Hal Urur Oo Qaadacay Ku Joogsan Mayso” Guddoomiye Cirro

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in doorashada golayaasha deegaanka Somaliland aanay u joogsanayn hal urur ama xisbi oo qaadacay inuu ka qayb-gallo.
Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa uu sheegay in doorashada deegaanku u dhacayso sidii loogu tallo-galay isla-markaana aan loo joojinayn xisbi qaadacay, isaga oo ku baaqay in nabadgalyada la ilaaliyo.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Wadani Md Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sheegay in ururka Wadani ajandihiisa ugu horeeyaa yahay in Somaliland beesha caalamka ka hesho ictiraaf buuxa, si ay uga mid noqoto dalalka caalamka ee la aqoonsan yahay.

Guddoomiyaha Wadani waxa uu sheegay inay jiraan axsaab sheegay inay qaadaceen inay ka qayb-galaan doorashada golayaasha deegaanka, isaga oo saadaaliyey inay ururo kalena qaadacaan, balse waxa uu tilmaamay in waxaasi aanay doorashadu u baaqanaynin “Waxa jira Xisbi sheegay inay qaadaceen doorashada, malaha qaar kalena way qaadici doonaan, laakiin Somaliland doorashadeedu way qabsoomaysaa”ayuu yidhi isaga oo maanta ka hadlayay Munaasibad Wadani musharax ku soo bandhigay, waxaanu intaa ku daray “Doorashada Somaliland hal urur oo qaadacay ku joogsan-mayso”

Guddoomiye Cirro waxa uu ku baaqay in la ilaaliyo nabadgalyada wadanka “Waxaan leeyahay aynu nabadgalyada ilaalino, waxaan kula dardaarmayaa hay’adaha Amniga dalka inay xil iska saaraan in qof waliba xaqiisa cod bixinta helaan”ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “WADANI ajandihiisa koowaad waxa weeye in dalkani helo ictiraaf buuxa, Isha Allaahu waynu heli doonaa, dadka ayaa nagala shaqayn doona, waanaynu ku guulaysan doonaa”

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili xisbiga UDUB sheegay inay qaadaceen ka qayb-galka doorashada deegaanada dalka ee loo asteeyay inay qabsoonto 28-ka bisha November ee sanadkan 2012-ka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *