“Wasiirka Maaliyadu Waxba Iila-Muu Hadhin Ee Daacadnimadayda Ayaa I Badbaadisay, Waana Wax Maxkamad La Iskula Tagi Karo….” W. Macdanta

Hargeysa (Foore) – Wasiirka Wasaaradda Macdanta, biyaha iyo Tamarka Somaliland  Xuseen Cabdi Ducaale ayaa shalay si adag uga hadlay khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Wasiirka Maaliyadda Eng: Maxamed Xaashi.

Wasiirka Macdantu waxa uu sheegay in Wasiirka Maaliyadda ay isku khilaafeen lacago Wasaaradda Macdantu ka heshay shirkado shidaal oo ajaanib ah, isla markaana uu Wasiirka Maaliyaddu isaga ku eedeeyey inuu Lacagtaasi lunsaday oo uu xaday.

Wasiirka Macadanta Iyo biyaha Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa waxa uu tilmaamay in arrinta wasiirka Maaliyadu ku eedeeyay ay ahayd mid aan waxba ka jirin, isla-markaana uu wasiir Maxamed Xaashi kula kacay arrin Maxkamad in la isla gallo horseedi karta “Eedo aniga la ii soo jeediyey oo aanan hore uga hadal ayaan doonayaa inaan ka hadlo oo aan cadeeyo. Khamiistii toddobaadkii hore ayaa Wasiirka Maaliyada Somaliland uu Madaxweynaha u tagay oo uu ku yidhi, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha waxaanu ku haynaa Lacag uu lunsaday oo uu ku shubtay Account u gaar ah, taasi oo ka dhalatay shirkii golaha wasiirrada oo lagu naaqishaayey heshiis aan u gudbiyey Golaha wasiirrada.” Ayuu yidhi wasiirku.

Waxana uu Wasiirka Macdantu intaa ku daray isaga oo faahfaahinaya “Wasaarradda Macdanta iyo Biyaha lacago soo gala oo Shidaal ku saabsani ma jiraan, heshiisyo ay Wasaaraddu gashay oo cusubna ma jiraan, balse heshiisyadu waa kuwii aanu ka dhaxalay Masuuliyiintii hore ee  wasaarradda, markii uu wasiirka Maaliyaddu aniga igu eedeeyey arrin Musuq-maasuq waxa uu Madaxweynuhu amaray Hanti-dhawraha guud oo ay waajibaadkiisa tahay inuu baadhis ku sameeyey haddii ay jirto, laakiin waxaan caddaynayaa in aanay marnaba jirin wax Musuq-maasuq ah oo aan galay.”

Md. Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu tilmaamay inuu hawsha uu qaranka u hayo uu daacad u yahay “Hawsha aanu gacanta ku hayno daacad ayaanu ka nahay, Wasiirku waxba iila-muu hadhin ee daacadnimadayda ayaa i badbaadisay, waana wax Maxkamad la iskula tagi karo, laakiin laba Masuul oo Xukuumad ka wada tirsan inay is qab-qabsadaan ceebbaan u arkaa.”

Shirka jaraa’id ee uu shalay qabtay  Wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland, Xuseen Cabdi Ducaale ayaa ku soo beegmay maalin uun ka dib markii uu  Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim uu sheegay in lacagaha ay wasaaradda Macdanta iyo biyuhu ka heshay shirkadaha shidaal ee ajaanibka ah ay u baxeen sifo sharci ah isla markaasina aanay jirin wax Musuqa oo dhacay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *