“Wakhtigani ma aha kii la is-casili lahaa,Anigana igama suurtowdo…”

Hargeysa (Foore)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar si weyn shalay suuqa loo soo geliyey oo sheegayey inuu iska casilay Xilka Wasiirnimo ee Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo, ka dib markii Khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada.

Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo xalay Wargeyska Saxansaxo khadka Telefoonka kula xidhiidhay isaga oo jooga Magaalada Hargeysa, si aanu wax uga weydiino wararka la isla dhex marayey ee sheegaya inuu iska casilay xilka Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku tilmaamay wararkaasi qaar aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu doonayo in sawir khaldan lagaga bixiyo, madaama wakhtigan Waddanku ku jiro xaalad Siyaasadeed iyo mid dagaalba.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu ka dhawaajiyey in aanay jirin cid uu ka dhexeeyo khilaaf gaadhsiiya inuu shaqada ka tago, waxaanu xusay inuu hawl maalmeedkiisii uu ummadda u hayey uu u gudanayo sidii loogu talo galay.

Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlaya arrintana waxa uu yidhi “Adeer wararkaas suuqa la soo geliyey waxba kama jiraan, wax is casilaad ah oo aan sameeyey ama imika aan damacsanahay ma jirto, waana warar been abuur ah oo dadka lagu soo dhex tuuray sal iyo raadtoona ma laha”

Eng. Maxamed Xaashi waxa uu tilmaamay in aanay wakhtigan suurto galba ahayn inuu iska casilo Xilka Wasaaradda Maaliyadda, waxaanu yidhi “Wakhtigan maaha kii la iscasili lahaa, Aniga igama suurtowdo in xilligan oo Waddanku ku jiro xaalad dagaal iyo duruufo kaleba in aan shaqada ka tago, markaa arrintan waxa sameeyey dad doonaya in ay iga dhigaan Nin aan ka fikirayn danta Ummadda, markaas waxba kama jiraan warkan”

Wasiirka Maaliyadda oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi raaciyey oo uu yidhi “ Wax igu kalifa in aan is casilo wakhtigan ma jirto, waayo cid aanu is hayno ama is khilaafsanahay ma jiraan”

Si kastaba ha ahaatee, Hadalkan Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka dambeeyey ka dib markii maalintii shalay si weyn suuqa loo soo geliyey inuu iska casilay xilkii Wasaaradda Maaliyadda, iyada oo ay sheegeen in xil ka tegistiisuna ka dambaysay khilaaf soo kala dhex galay qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda Somaliland.

Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa dabaqaayadii sanadkii hore ka noqday istiqaalad uu Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ugu gudbiyey, ka dibna uu ka noqday markii la dhameeyey khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *