BREAKING NEWS
Search

“Sida Aanu Dunida Aqoonsiga Uga Rabno Ayaanu Soomaaliyana Uga Rabaa Balse Taasi Kama Dhaadhacsana Oo Way Diiddan Yihiin”..Madaxweyne Siilaanyo

Abu Dhabi (Foore/The National)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in Somaliland diyaar u tahay aqoonsi ay caalamka ka hesho sidaa darteed ay ku shaqaynayaan wax kasta oo ay taasi ku xaqiijiyaan shacabkana ay tahay himiladiisa koowaad in ay beesha caalamka ka helaan aqoonsi caalami ah oo ay kaga noqdaan. Dhinaca kale waftigii uu Hogaaminayay madaxweynaha Somaliland ee dhawaan booqashada shaqo ku tagay Imaaraadka ayaa sheegay in ay Somaliland ku Casuumeen Ganacsato iyo Maalqabeeno Imaaraadka u dhashay kuwaasi oo ay ku boorriyeen in ay Maalgelin ku sameeyaan baadhitaanka shidaalka iyo Gaasta ee Somaliland iyo waliba warsahado Kalluunka lagu farsameeyo.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sidan u sheegay shabakadda wararka ee The National Mar uu todobaadkii hore wariye ka tirsan kula hadlayay Imaaraadka Carabta oo ay booqasho ku tageen isaga iyo wafti uu hogaaminayaa. Madaxweynaha Somaliland waxa uu waraysigaasi oo dhinacyo badan taabanayay ku xusay sida aanay wali walaalahooda Soomaaliya diyaarka ugu ahayn in ay aqoonsadaan dalkiisa Somaliland oo ahaa dal ay Lixdii si xor ah isugu biireen balse kadib xorriyadiisii sannadkii 1991kii dib ula soo noqday. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo arrinta Soomaaliya ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Aqoonsiga aanu caalamka ka sugayno ayay Soomaaliyana qayb ka tahay balse wali taasi ma taageersana”.
Shabakadda oo warkan baahisay cadadkeedii Khamiistii waxa ay sheegaysaa in Madaxweynaha Somaliland iyo waftigiisu Masuuliyiinta Imaaraadka Carabta kala hadleen arrimo u badan dhinaca Kaabayaasha dhaqaale (Infrastructure), Hirgelinta Cisbitaalo Casri ah iyo waddooyinka. Madaxweynaha Somaliland waxa uu Shabakaddan u sheegay in Shirkii sannadkii hore Dubai loogu qabtay iyaga iyo Masuuliyiinta Soomaaliya ahayd Tallaabo Dhinaca aqoonsiga loo qaaday oo ay Somaliland ku muujisay danaheeda.
Shabakaddu waxa kale oo ay soo qaadatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka mid ahaa waftiga Madaxweynaha u raacay Imaaraadka Carabta iyada oo ka soo xigatay in Wasiirku xusay in ay Masuuliyiinta Imaaraadka kala hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen sidii Somaliland u qaabili lahayn oo ay casuumad u fidiyeen Maalqabeeno iyo ganacsato Imaaraadka u dhalatay si loogu bandhigo maal-gashi ay ku sameeyaan Fursad lagu soo saaro shidaalka, Gaasta iyo warshado Kalluunka soo saara. Isaga oo wasiir Cumar arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxaanu Casuumad u fidinay tiro Maalqabeeno iyo Ganacsato u dhashay wadanka Imaaraadka Carabta si ay u maal-gashadaan fursadaha shidaal baadhista ah iyo waliba warshado dhinaca Wax soo saarka Kalluunka ah”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *