BREAKING NEWS
Search

“Reer Hargeysi Dawlad Dhexe Waxa Ay Uga Baahi Badan Yihiin Dawlad Hoose Oo Wax Ka Qabata Baahiyaha Is Biirsaday Ee Hor Yaalla”

Hargeysa (Foore)- Xasan Cabdi Cali (Xasan Shahar) oo ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee caasimadda Hargeysa kana mid ah 25-ka musharax ee xisbul xaakimka KULMIYE uga tartami doona caasimadda Hargeysa ayaa sheegay in shacabka ku nool caasimadda Somaliland ee Hargeysa u baahan yihiin gole deegaan oo baahiyaha aasaasiga ah ee caasiamddu u baahan tahay daboola.
Xasan Shahar oo hore u ahaa Guddoomiyaha degmada Allaybaday wakhtigana u taagan golaha deegaanka Hargeysa laguna majeerto waxqabadkii uu degmada Allaybaday ka qabtay mudadii uu xilka hayay oo aad loogu ammaano ayaa ku dheeraaday qorshayaasha uu doonayo in uu wax kaga qabto haddii uu ka mid noqdo 25-ka xildhibaan ee shanta sanadood ee soo socda ku fadhiisan doona kuraasida golaha deegaanka Hargeysa isaga oo xusay in aanay Hargeysi wali helin gole deegaan oo daboola baahiyaha aadka u ballaadhan ee ay u baahan tahay maadaama oo ay tahay caasiamddii dalka. Musharax Xasan Shahar waxa uu arrimahan kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu shalay xafiiskiisa ku siiyay wargeyska Foore. Musharaxa oo aanu wax ka waydiinay bal qorshayaasha uga meel yaal in uu wax ka qabto haddiiba uu ku guulaysto xubinimada golaha deegaanka Hargeysa ayaa sheegay in ay jiraan qodobo dhawr ah oo uu muhiimad ballaadhan siin doono kuwaasi oo dhammaantood ah aasaasiyaadka ay u baahan tahay magaalo caasimad ahi lana rabo golaha iman doonaa in uu ku shaqeeyo kuwaasi oo ay ka mid yihiin nadaafadda iyo fayo-dhawrka, waddooyinka, biyaha, caafimaadka, ilaalinta iyo abuuridda goobo ay dhallinyaradu ku madadaalato sida garoomo ciyaareed, maktabado wax akhris iyo ka shaqaynta bilicda caamka ah si ay Hargeysi ula tartanto caasimadaha dhiggeeda ah ee dunida. Xasan Cabdi Cali (Xasan Shahar), Musharaxa Xisbiga KULMIYE ee golaha deegaanka Hargeysa oo arrimahan ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxyaabaha aan bulshada reer Hargeysa codka kaga doonayo ee aan ka shaqayn doono haddii aan ka mid noqdo golaha deegaanka waxaa ugu horreeya dhawr arrimood oo mid kastaa muhiimaddiisa leeyahay. Qofku subaxdii marka uu tooso waxa uu u baahdaa waa goobtii uu ka soo adeegan lahaa, waxaan ku dadaali doonaa in la helo goobo ku habboon adeegga iyada oo xaafad kasta laga hir gelinayo sariibado tayo leh oo bulshadu ka adeegato. Qodob kale waa waddooyinka. Dadaal badan ayay bulshadu ka gashay muddooyinkii dambe in ay ku dhistaan waddooyin. Waxaan sii kordhin doonaa dadaalka bulshada iyada oo dawladda hoose qaybta ugu badan ay ka qaadan doonto halka ay maanta bulshadu dhismaha waddooyinka ka qaataan boqolkiiba todobaadkan. Dawladda hoose ee wakhtigan jirtaa aadbay ugu ceebaysan tahay in aanay wax badan ku darsan waddooyinka bulshadu iskood isugu abaabulaan in ay dhistaan. Boqolkiiba soddon ayay dawladda hoose tidhaa waanu ku leenahay waddooyinka. Waxaan aaminsanahay in aanay taasi caddayn waxaanan rumaysanahay in haddii ay ka dhab tahay wax ka qabashada arrintaasi ay buuxin kari lahayd boqolkiiba siddeetan”
Xasan Cabdi Cali (Xasan Shahar) oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Arrimaha kale ee muhiimadda ii leh waxa ka mid ah abuuridda gaadiid dadweyne oo dawladda hoose leedahay kuwaasi oo dadweynuhu ku raacaan qiimo aad u jaban wax weyna ka tari doonta baahida is-gaadhsiineed ee dadka danyarta ah ee magaalada isaga kala goosha. Haddii aad booqato dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya waxaad subaxdii arkaysaa in inta badan dadka danyarta ahi raacaan basas iyo gaadiid qiimo aad u jaban lagu raaco oo dawladda hoose leedahay. Waxa kale oo aad iigu dheeri, waa Biyaha oo ah tiirka koowaad ee nolosha. Magaalada Hargeysa oo aan mar kali ah ka haqab beelin biyo ku filan, wax ka qabashadeedu waa mid waajib ku ah golaha deegaanka Hargeysa. Waxaan idin xasuusin lahaa dadaakii Maxamad Xaashi markii uu Maayarka ahaa ka sameeyey dhinaca Biyaha. Iyada oo aanay dawladda hoose wakhtigaasi haysan wax dakhli ah oo aan cashuurta inta badan magaalada laga qaadi jirin hadana waxa uu si nafhurnimo leh ugu guulaystay in uu wax ka qabto baahida biyaha. Haddii dadaal lala yimaad oo awood badan wax lagaga qabto dawladda hoose waxa ay wax ka tari kartaa in wakaaladda biyuhu biyo ku filan Hargeysa soo saari karto”. Musharax Xasan Shahar waxa kale oo uu aad ugu dheeraaday dhibaatada dadka danyarta ah ee goobaha danta caamka ah laga raro qabsata waxaanu sheegay in ay qorshaha ugu jirto in dadkaasi inta aan la rarin loo sii diyaarin doono goobo ku habboon nolosha aadamaha oo ay ka heli karaan baahiyaha aasaasiga ah oo aanay dib u dhici doonin in dad dan yar ah inta cagaf la galiyo goobo cidlo ah lagu daadiyo. Musharaxa oo oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi: “Dadkeena tamarta daran ee laga raro meelaha danta guud waxa aanu marka hore inta aan la rarin u diyaarin doonaa dhul habboon oo qorshaysan. cid la iska rari doono oo dhul cidlo ah lagu daadin doonaa jiri mayso”.
Dhinaca kale Xasan Cabdi Cali (Xasan Shahar) waxa uu ku nuuxnuuxsaday dhawr qodob oo qorshayaashiisa iyaguna door weyn ku leh oo ay ka mid yihiin sidii dhallinyarada loogu diyaarin lahaa garoomo kubadeed iyo kuwa kale ee dadan ee loo yaqaano (Indoor Games) si wakhtigooda firaaqada loogala dagaalamo balwadaha jaadku ugu horreeyo ee maanta dhallinteenii aafeeyey, sidoo kale kor u qaadka bilicda caasimadda iyo ilaalinta fayadhawrka.
“Maktabado wax akhris, garoomo kubadeed oo casri ah, kor u qaadka bilicda magaalada iyo ilaalinta faya-dhawrku waxa ay iyana xaga sare kaga jiraan qorshayaashayda wax qabad. Hargeysa waa caasimaddii dalkeena waa muraayaddii dalka ee laga dheehanayay horumarka qarankani ku faano in uu gaadhay. Waxaa la diyaarin doonaa qorshayaal cusub oo gun iyo baar lagu qiimaynayo waxna lagaga qabanayo bilicda caasimadda. Maanta waxa aynu u baahanahay Hargeysa cusub. Mid ka turjumi karta oo bixin karta shuruudaha caasimadi leedahay. Waxaan odhan karaa maanta reer Hargeysa xukuumad dhexe waxa ay uga baahi badan yihiin gole deegaan oo waxqabad dhab ah la shir yimaad.” Ugu dambayn Xasan Shahar waxa uu shacabka reer Hargeysa kula dardaarmay in ay codkooda siiyaan musharax kasta oo aqoon, karti iyo dal jacayl leh oo aan ka shaqaysan ee u shaqeeya una adeega. Xisbiga uu doono ama ururka uu doono ka iska soo sharraxee iyaga oo aan qabiil ku dooran.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *