“Rayaale wuxuu Paris ku joogaa Guri weyn iyo kharash qaaliya waana wixii ay dadka ka boobeen”

Hargeysa (Foore)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday inay shaqaalaha dawladda iyo ciidammadda dalka mushaharka u kordhin doonaan badhtamaha ama dabayqaaqadda sanadkan 2012-ka.

Wasiirka Maaliyaddu waxa kale oo uu ka hadlay mashaariicda horumarinta ee ku jira odoroska miisaaniyad sanadeedkan oo odoraskiisu dhan yahay 639,369,240,470 shilin, oo u dhiganta lacag ku dhow 100 Malyan oo Dollar, taas oo ka badan miisaaniyaddii kal-hore 23.19%.

Md.Maxamed Xaashi waxa kale oo uu is-bar-bar dhig ku sameeyay qaabka ay miisaaniyadda dawladda u adeegsan jireen xukuumaddii Rayaale iyo tan Axmed Siilaanyo, waxaanu ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin inuu dhaqaalihii uu ka urursaday dalka uu ku haysto dalka Faransiiska.

Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay Weriye Ibraahim Cismaan Axmed oo ka tirsan Suxufiyiinta idaacadda dawladda ee Radio Hargeysa.

Wasiirka oo ka hadlayay farqiga u dhaxeeya miisaaniyaddii sanadkii hore iyo tan waxa uu yidhi “Miisaaniyadii aanu dhaxalay sanadkii 2010-kii waxay ahayd 47 Malyan oo Dollar xataa kontonkaba may gaadhsiisnayn ayaan u malaynayaa, lacagta la qaadi jiray way yarayd, sida loo isticmaali jirayna si hagaagsan may ahayn markii sanadkii dhawayd aanu shaqaalaha iyo ciidammadda u kordhinay 100% waxaan arkay in markaad qof gaajoonaya aad wax u dirto inaanay wax hagaagsani soo baxayn. Daryeelka shaqaaluhu waa waxa ugu muhiimsan. Afar kooxood ayaan diray oo waxaan ku idhi qoyska nolashoodu meel dhexaadka tahay intee ayay ku noolaan kartaa.markaa waxa I soo gaadhay jawaab ah $250 illaa 300, waxaan arkay wixii shaqaaluhu qaadanayay inay intaasi si aad ah uga hooseyso. Sidaasi ayaanu ugu kordhinay 100%. Imikana waxaan is leeyayay in kasta oo ay dagaalo iyo waxna jiraan wuxuun u kordhiya waxsoosaarkuna wuu kordhayaa. Sanadkii tagay 83 malyan oo Dollar ayaanu gaadhsiinay miisaaniyadda, sanadkana waxaan filayaa inaanu 100 Milyan gaadhno.”

“Tusaale ahaan magaaladda Hargeysi shan waaxood ayay u qaybsantaa waxaanu ku samaynay tiro meheradaha iyo goobaha ganacsiga, markaa maanta waxaanu garan karaynaa dakhliga ka soo bixi kara shanta waaxood ee caasimadda. Waxaanan ku gudo jirnaa sidii aanu ku gaadhi lahayn,”ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

“Miisaaniyaddu waxay awood kuu siinaysaa inaad horumar samayso, imika wasaaradda caafimaadka Wasiirka iyo wasiir ku xigeenkiisa oo qof dumara ah waa dad aad u wanaagsan oo wada shaqayn aad u wanaagsan ayaanu leenahay. Waxaanu ka fikirnay kalyaha ayaa dadka istaaga oo dibadaha ayaa loo diraa. Markaa qalabkii kalyuhu wuu sii yaalaye’e dawadii iyo dhakhaatiirtii ayaanu soo dhamaystirnay dhawaana waa la bilaabayaa,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.

Isagoo hadalkiisa sii watayna wuxuu intaasi raaciyay “Waxa kale oo jirta Malaysia, Itoobiya, Kenya iyo Imaaraadka waatan loogu baxo safar caafimaad, waxaanu isweydiinay dadkaasi tagayaa halkan dhakhtarkaasi ma ka heli karaan oo ma ka samaynaa. Markaa waxaanu isla garanay inay ina kalifayso dhakhaatiirtaasi dibada loogu baxayo, markaa waxay noqotay qiimayntii aanu samaynay 400 oo kun oo Dollar sanadkii ILAAHAY mahaddii meel ayaannu dhignay, qalabkii ay ku shaqaynayeena wuxuu noqday illaa 700 oo kun Dolar, isagana illaa 600 oo kun oo Dollar waanu u haynaa markaa in imika la diro oo tigidhadii loo soo sameeyo weeye dhalinyaradeena jaamacadaha caafimaadka ka soo baxdayna ay wax ka bartaan. Waxaannu doonaynaa haddii ay ugu badato inay safar caafimaad inooga baxaan 10%.”

Wasiirka oo la weydiiyay waxa odoroskan miisaaniyadda 2012 ugu jira shaqaalaha dawladda iyo ciidammadda, waxaanu yidhi “Waxaanu ku rajo-weyn nahay inaanu shaqaalaha iyo ciidammadda wax u kordhino mushaharka boqolkiiba inta ay noqonayso uun baanu isla eegaynaa waxaan isleeyahay ma 20% ama 30% ayay noqon doontaa, laakiin imika kuma jiro balse sanadkan badhtankiisa iyo wixii ka dambeeya ayay noqonaysaa.”

Eng. Maxamed Xaashi oo la weydiiyay waxa lacagta miisaaniyadda ku jira lagu qaban doono, waxaanu yidhi “Waxa lagu qabanayaa $11Malyan ayaanu ugu tallo-galay horumarinta caafimaadka, waxbarashada, Beeraha iyo Biyaha inay intaasi aanu ka sii badinana waanu rajaynaynaa, waa in dadku dareemaan in horumarini jirto. Wadankuna waa wadan inagu filan ee inaynu shaqaysano uun baa meesha taalla. 15% wax ka badan ma qaadno cashuuraha. waxa maqan 85%, Waxaan qabaa marka dadka laga shaqaysiiyo ee tignoolajigana la isticmaalo inaanu intan ka sii badin karno miisaaniyadda.”

“Intii aanu geynay goobaha dakhiliga inamadii jaamacadaha ka soo baxay waxa kordhay cashuurihii bariga ee 8% ahayd, waxaana imika cashuurihii bariga inta korodhay waa 440% ,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.

Wasiirka Maaliyadda oo ka jawaabayay su’aal ahayd inay isaga farxad gelinayso iyo in kale in Golaha Wasiirradda loo kordhiyo mushaharka iyadoo aan shaqaalihiiba waxba loo kordhin, waxaanu yidhi “Horta tirade Wasiirradu waa wax yar tirade shaqaalaha iyo ciidamadduna waa wax yar. Wasiirradu lacagba ma qaataan oo markoodii hore ayay dulmanaayeen marka iyaga loo kordhiyo wax badanba ma aha, laakiin shaqaalaha iyo ciidammaddu waa dad badan. Markaa shilinka aad kordhisaa dhaqaalihii wax weyn ayuu la hadhayaa markaa waa in kolba la isku yar miis-miisaamo.kollayba waanigii sheegayoo shaqaalaha lama ilaawayo.”

Maxamed Xaashi oo la weydiiyay inuu ummadda u sheego xadiga lacageed ee madaxtooyadda ugu jira miisaaniyaddan wuxuu yidhi “Horta waxyaabo badan baa is bedelaya, madaxtooyadda Ha’yaddo badan baa ku soo kordhay oo ka shaqeeya, waxanse aan anigu hubaa halkii tii hore lacagta iska qaad qaadanaysay in lacagtani ku baxdo imika meel looga baahan yahay. 53 Malyan oo Dolar ayay kuwii hore ka tageen. Markii kharashkii wixii ina soo geli jiray illaa 2002-dii markii ina Rayaale xilka qabtay illaa July 2010 markii kharashkii dhabta ahaa la kala jaray waxa soo hadhay 130 Malyan. Markaa inay dayni timaadaba may ahayn.”

“Markaa Raggan suuqa ka caytamaa wixii ay geysteen ayaa raadkoodii sii qoyan yahay, waxa la odhan jiray hebeloow waxaad na siisaa nus Malyuun Dollar, kolkaasaa kastamka Berbera la odhan jiray ganacsadahaasi 50% u sii cashuur dhaaf, 50% u sii kaash lacagtaasi meel ay ku dambaynaysayna lama garanayo. Dadkii rayidka ahaa ee baanka lacagta dhigtay ayaa lacagtoodii waayay. Imika ka soo qaad Ina Rayaale muxuu ku joogaa Paris ilayn shilin muu haysan markii horee, waxa weeye Guri weyn oo qaaliya iyo kharash badan ayuu ku joogaa Paris, halkana waxa lagu odhanayaa Gawaadhi ayaa lagaga hortagayaa waa arrimo aan is galayn. Wixii ay boobayeen ayuun bay sidani ku dhacday,”ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Cali Samatar-ba waa ta laga daba tagay oo dadkii dadka laayay imika ayaa loo galay ayaan u malaynayaa, dadkii dalka dhacayna waa loo geli mar loo gelaba. Markaa anaga dawladayadani hanta urursigaasi kama jiro.”

Maxamed Xaashi oo la weydiiyay kharashka madaxweynaha ugu jira miisaaniayddan waxa uu yidhi “Horta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenkaba mushaharkoodu waa mid go’an oo Baarlamaanka ayaa ansixiyay, waxaanu bixinaanna waa maamul fidin iyo dagaalo ayaa jira, caafimaadkan aan sheegayay oo kaliya waxa jira dad badan oo u taga madaxweynaha oo leh caafimaad ii dir oo aan waxba dalka loogu qaban Karin. Horta kharashkaasi aad buu inoogu badan yahay qofka ayaana ka qaalisan lacagta laakiin taasi waa inaanu yareynaa.”

“Kharashkan madaxtooyaddu galaan waa kharash aanu is leenahay waa wixii daruuriga ahaa.markaa kharashka maanta madaxtooyadda ku baxaa waa kharash kolba wax laga jaf-jafayo, kii horena wuxuu ahaa kharash aan loo baahnayn oo la gelayo markaa farqiga u dhaxeeya labadii maamul waa sidaasi,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *