BREAKING NEWS
Search

“Isbahaysigeenu (UDUB/Wadani), Waxa Uu Muujiyey In Waddani Si Dhakhso Ah Ugu Gudbayo Xisbi Qaran”: Cali Waran-Cadde

Hargeysa (Foore)- Cali Maxamed Waran-cadde oo hogaaminayey koox UDUB ka goostay oo Waddani ku biirtay todobaadkii hore ayaa khudbadiisa ku sheegay in cududa taageerayaashu muujinayso in Waddani noqon karo xisbi Qaran, isaga oo xusay in isbahaysiga UDUB iyo Waddani ay markhaati u tahay mowjadaha taageerayaasha ah ee isugu soo baxay fagaarayaasha dalka “Iskaashigeenu waxa uu muujinayaa cududeena balaadhan, isbahaysigeenu waxa uu muujiyey maanta inaynu dhakhso ugu gudbayno xisbiga Waddani”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaad u baahan tihiin hogaamiye qabyaalada, jahliga iyo faqriga idinka badbaadiya, waxaad u baahan tihiin hogaan si cadaalad ah idiinku qaybiya khayraadka dalkeena ee faraha badan oo ka fog eexda”

Cali Waran-cadde waxa uu tilmaamo ka bixiyay hogaamiyaha shacabku u baahan yihiin “Waxaad u baahan tihiin hogaan u fikira sidii shaqo loogu abuuri lahaa guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaan dhalinyarada faraha badan ee ka soo burqanaya jaamacadaha iyo dugsiyadda sare, Waxaad u baahan tihiin hogaan idiin horseeda tacab iyo wax soo saar, waxaad u baahan tihiin hogaan idiin rumeeya himiladii aynu u soo dhimanay oo ahayd inaynu gaadhno ictiraaf, sidaas ayaynu dalkeena ku hogaaminaynaa, bulshada aan Waddani ahayn waxaanu leenahay ku soo biira ururka Waddani ama xisbiga Mustaqbalka”ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyey “Dadka reer Somaliland ee maanta sida ciida u dhaqaaqay waxaan leeyahay taageera Waddani, waanan idiinka mahad-celinaynaa sida aad u soo camirteen (fagaaraha)”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *