Search

“Hay’adii Xabsiga Hargeysa Dhistay Waxba Nooma ay dhisin ee Waxay dhistay Xabsi Budhcad badeed”

Hargaysa (Foore)- Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Aadan Axmed Muuse ayaa sheegay in xabsiga dhexe ee Hargaysa ay buux dhaafiyeen maxaabiista budhcadbadeeda u xidhan isla markaana ay dhibaato ka haysato meeshii ay ku xidhi lahaayeen maxaabiista danbiyada fudud u xidhan.

Aadan Axmed Muuse waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay u waramayay wargeyska Dawan, waxaanu tilmaamay dhibaatadaasi ay bilaabantay ka dib markii dib u dhiska lagu sameeyay jeelka way nee Hargaysa.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka isaga oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “xabsiyada oo dhan ma wada aha ee waa ka Hargeysa oo keliya, dhibaataduna waxa weeyaan xabsiga waatii la dumiyay, qolada hay’aduhu waa kuwii yidhi mid baan idiin dhisaynaa, bal se inaga waxba inoomay dhisan ee mid budhcad badeed la yidhaahdo ayay dhisanayeen iyagu, xabsigii gobolka Hargeysa wuu maqan yahayba, gobolka Hargeysa xabsigiisii wuu ka baxay meesha”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxa sababay Hargeysa oo caasimadii ah waxa maalintii la keenaa maxkamadda gobolka iyo degmada iyo xeer ilaalinta 70 ilaa 80 maxbuus, marka la horkeeno maxkamada waxa imanaysa in qaarna la rumaangareeyo qaarna damaanad lagu sii daayo, qaarna la xukumo. waxay odhanayaan meel lama hayo oo budhcad badeed ayaa ka buuxda, oo ilaa kuwii Sishilis laga keenay iyo wixii argagixiso waaweynaa oo jeelasha kale laga soo ururiyay ayaa la keenay.Waxa dhacda in saldhigyada lagu sii hayo inta loo diyaargaraynayo baabuurkii Mandheera lagu gayn lahaa, Dhibaatadu gobolkan Maroodi Jeex oo kaliya ayay haysataa”.

Waxa kale oo uu sheegay ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud in ay hoos u daadejin ku sameeyeen xeer ilaalinta oo hore ugu koobnaa gobolada dalka, waxaana uu tilmaamay in degmooyinka dalka ay ka hirgaliyeen xafiiskii xeer ilaalinta.
Aadan Axmed Muuse isaga oo ka hadlaya waxyaabihii u qabsoomay sanadkii 2012 waxa uu yidhi “waxqabadkii sanadkii hore 2012 waa wax la taaban karo oo muuqda waxa ugu horeeya dhismayaasha markaan tiriyo Burco, Boorama oo hada dhismihiisa socda iyo xaruntan oo hada socda. Saddexdaa saddex xafiis oo waaweyn oo nalooga dhisayaa oo ay maalgalinayso hay’ada UNDP, waxa kale oon samaynay in aanu qaadano 20 aqoonyahan oo ka soo baxay Jaamacada sharicga oo tobana ku xigeen xeer ilaaliye laga dhigayo toban kalena wakiilo ka dhignay, mustaqbalkana aan doonayno in aan ka dhigno ku xigeeno oo iskugu jira rag iyo dumarba, tobankii hore waxa aanu u qaybinay gobolada min Ceerigaabo ilaa Boorama, waxa aan ku kabnay oo sidii caadada ahayd lixda gobol waxa noo joogi jiray min hal ku xigeen, waxa la shaqayn jiray wakiilo saraakiil booliisa”.

isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “waxa kale oo samaynay tabobaro badan oo shaqaalihii hore u joogay ee xeer ilaalinta oo lagu tababarayo maamulka dacwadaha iyo dhaatobayska si loo galiyo tiro koobka iyagana waanu dhamaystirnay sanadkii hore. Waxa kale oo aan ka furnay xarunta iyo Boorama iyo Hargeysa iyo Burco xafiisyo gaara oo qaabilsan dumarka iyo ciyaalka uun oo ay joogaan min hal qof aqoonyahano aan Jaamacada ka qaadanay ayaa ka ka mida oo waliba u badan dumar si ay qaybtaas ula shaqeeyaan, waxay kormeer aan saldhigyada iiyo xabsiyada si ay u soo ogaadaan wixii dumar xidhan iyo wixii carruur si markaa loogu soo dabaalo xeerkii cusbaa ee nidaamka carruurta, oo aan si fiican u hirgalin oon doonayno in aan hirgalino.Waxa kale oo aan samaynay oo jira in aan tiro koobyadii dacwadaha aan u samaynay dhaatobays ka dhexeeya dalka oo dhan oo sanadkii maka ugu gabogabada yahay ay soo wada xareedoon.Waxa kale oo aan samaynay xeerka ay xeer ilaalintu samayso ee lagu yaqaano kiisaska ay ka ay oogayaan si loo garto garsoorayaashiina u gartaan booliiskiina u garto dadka iyo looyaraduna ogaadaan”.

Aadan Axmed Muuse isagoo ka hadlaya waxyaabihii u qabsoomay sanadkan waxa uu yidhi “qorshihii sanadkan waxaan tababaro gaara la siiyay labo hablood oo ku xigeenada xeer ilaaliyaasha cusub ee la qaatay ka mid ahaa oo lagu tababaray xirfada gaara oo dacwadaha argagixisada ilaa qaabka baadhista labo kale oo raga oo ku xigeenadii cusbaa Dubay ayaa la geeyay oo soo tababartay mudo bila iyagana waxa lagu tababaray waxa la yidhaahdo budhcad badeeda dambiyada culculus ee waaweyn.Qorshaha sanadkan maadaama waaxyihii bateen xeer ilaalintiina hoos loo daadajiyay in aanu qorshaah sanadkan ugu talogalno in aan gaadhno, gobolada uun baan ku koobnana in aanu gadhno degmooyinka iyo gobolada cusub qaarkood”.
Waxanu intaasi raaciyay “Markaa Gabiley ayaanu ugu horaysiinay ku xigeen xeer ilaaliye ayaan gaynay, hada waxaan wadnaa Caynaba, Balligubadle, Saylac iyo Oodweyne oo meeshii xabsi yaalo iyo saldhig boolis ee garsoore joogo in aan anaguna xeer ilaaliye gayno oo hoos loo dadaajiyo ayaa qorshaha sanadkan cusub noogu jira iyagana aan samaynayno.Waxa kale oo sanadka cusub noogu jra in dhaato bayskii in aan isku xidhno computer xafiisyada yaala ilaa ka xarunta iyo kuwa gobolad aoo dhan iyagana aan gaadhsiino.

Waxa batay waaxyihii shaqadii ilaa imikana miisaaniyada waxa noogu jira 39 qof in aan qaadano oo ku soo kordhi doona shaqaalihii hore oo isugu jira shaqaale hoosaad iyo xeer ilaaliyaal, taas oo aan doonayno in aan ugu baahino dalkoo dhan in aan gaadhsiino xeer ilaalintii xeerkii xeer ilaalintana waanu dhamaystirnay imika sanadkan ayaan rajaynayaa in na loo ansixiyo




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *