Search

“ Ninka maalin walba xisbiga ah, ee maalin walba ururka ah ee maalin walba Midabka leh, waxa aanu kula hadlaynaa ma jirtee anagu midbkaa qudha ayaanu leenahay.” Maxamed Kaahin.

Hargeysa (Foore)- Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa si adaga ugu jawaabay Eedo iyo dhaliilo uu Gudoomiyaha Ururka Umadda Dr. Gaboose u jeediyey Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

 

Maxamed Kaahin waxa uu u adag  weeraray Siyaasi uu ku tilmaamay inuu siyaasada ku fashilay oo Guur guur badan, waxana uu sheegay in Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada Madaxweyen Siilaanyo ay ka Go’an tahay Qabashada Doorashooyinka Deegaanka ee Dalka.

 

Gudoomiye ku xigeenka Kulmiye waxa uu tibaxay in Eedaha uu ay Xukuumadu u jeedinayo mid ka mida Ururada Siyaadadu ay tahay mid uu ku doonayo inuu Mar mar siiyo uga dhigto marka uu ku hadho Doorashada waxa uu tilmaamay in aanay taasi suuro galayn.

Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxa uu arimahaasi kaga hadlay Munaasibad baladhan oo Xisbiga KULMIYE uu ku soo dhawanayey Xubin ka mida Murashaxiintiisa Golaha Deegaanka ee Hargeysa, oo maalintii shalay laga qabtay Hotelka Maansoor.

Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Muxaafidk aah ee Kulmiye oo munaasibadaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ Xisbiga Kulmiye waxabuu aamainsan yahay, waxa uu aaminsa yahayna suuq madow dadka kulamuu fiqinee buugii yaraayee cagaarnaa ayuu ku qoray, oo imika waxa la yidhaahdaa waxaba kamuu fulin qof walba buugii ayaanu dib ugu marti qaadaynaa, laba sanadood ayaa dhamaaday 70% in ka badana waa la fuliyey.” Ayuu yidhi Maxmed Kaahin waxana uu fariin u diray Siyaasiinta Xukuumada dhaliila“ Raga Kulmiye waxa ka sheegay ilaa xiligii Maxamed ibraahim Cigaal ilaa Ururadii horee dalka laga furay Lix urur ayey isu marayaan, Kulmiyena waa Kulmiyhii uun markaas horta Muran badan uma hayno dadka maalin walba xisbiga ah, ee maalin walba ururka ah ee maalin walba Midabka leh, waxa aanu kula hadlaynaa ma jirtee anagu midbkaa qudha ayaanu leenahay, Qolada UDUB waxaanu u naqaan inay midabkaa qudha ee siyaasiga leeyihiin, UCID inuu midabkaa qudha ee siyaasiga ah leeyhay.”

 

Gudoomiye ku xigeenka KULMIYE ayaa sidoo kalena ka hadlay Qabashada Doorashada Golayaasha Deegaanka ee dalka waxan uu yidhi “Arinta Doorashadu waa arin meel cad taala oo aanu mugdi ku jirin, Xisbigana meel adag ayey ka taalaa Komishanka Doorashada ayaa Hogaaminaya Xukuumadau inay Doorashada Diyaar u tahay oo ay qabanaynasana waxa cadaynaya waxa ka mid ah Qaadhaankii laga rabay ee 25% lacagta Doorashada inay iyadu keento way bixinsay, Acounka Komishanka ayeyna ku wareejisay.” Ayuu yidhi Md. Kaahin waxa uu intaasi ku daray “ Siilaanyo Doorasho Qarab mayo, Kulmiye Doorasho qaban mayo, baaqbaan u dirayaa, waxay horseed ka tahay Qalaan qal doorasho iyo Doorashada waan halayoo  waa layga boobay, nin aan waxba helaynoo kuwii horeba wax waayey, oo Xero Guur Siyaadeed hayo, Xero guurka waxa la yidhaa Xooluhu markay biyaha cabayaan bari ama saadambe oo kale xeryahaya ay sii galaan ama Adhiga marka la doofinayaayo ee Dekada xeryaha lagu sii nasiyo, Xeryo guurada been-beenta ah ee Siyaasiaga ah ee ilaa 2002dii ka soo jiray Somaliland Xisbiga Kulmiye Guulihisa ma qarin karaan.”

 

Gabgabadiina waxa uu Maxamed Kaahin sheegay inuu ay Ururkada Qaar Qorshaynaa inay ku doodaan marka ay Najiitada Doorahsadu soo baxdo in laga Boobay oo la reeabay waxan uu yidhi “ Arinkaa waynu ka sii balamaynaa anana Tilmaan ayaanu ka dhiganaynaa, waxay horseed u yahay Doorashadii waan helayee waa layga helay, markaas Doorashada waynu galaynaa, diyaarna waynu u nahay.” Ayuu yidhi Md. Maxmed Kaahin.

 

Jawaabta Gudoomiye ku xigeenka Kulmiye ka ka dambasay ka dib markii dhawaan uu Gudoomiyaha urur Siyaadeedka UMMADDA Dr. Gabooose uu Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku eedeeyey inay hor taagan tahay qabashada Doorashooyinka Deegaanka kuna lugleedahay Musuqmaasuqa Aafeeyey Golayaasha Deegaanka ee dalka.

 

Foore/Editor General

@Saddam Mohamed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *