BREAKING NEWS
Search

‘Nin aduunya joogow maxaa aragti kuu laaban’Xassan Aw Libaax

Hargeysa, (Foore) – Oday Xassan Aw Libaax oo ah mulkiilaha gurri ku yaala caasimadda Hargeysa oo bishii June 16-keeddii Ciidamada ka hortagista Argagixisaddu saqdhexe galalafeen ayaa sheegay in aanu illaa hadda Xukuumadda ka helin wax ka qanciya falkaas lagula kacay oo dhibaato ka soo gaadhay.

Xassan Aw Libaax oo shalay war saxaafadeed ka soo saaray Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in weli caruurtiisu la ildarantahay saskii ka soo gaadhay weerarkaas habeenimo, waxaana uu ummadda Somaliland ugu baaqay inay ka gilgishaan tacadiyadda ka dhanka ah muwaadiniinta oo uu sheegay inuu qof kasta gurrigiisa ugu soo gali doono.

Xassan Aw Libaax waxa uu qoraalkiisa ku bilaabay sidan. “Abidkay ismaan odhan madaxweynaha Somaliland ee maanta jooga  ayaa dastuurkii  umada ee loo igmaday intuu dhan iskaga duwo ku dhaqaaqi doona waxaan anigu u arko inay ahayd mu’aamaraad la doonayey in wax laygu yeelo markii habeenka oo kala badhan uu u soo diray gurigayga niman loo carbiyey waxyaabo kale oo uu isagu madax u yahay, kuna dhawaaqaaya mee ninkii giriga lahaa?

Nasiib wanaag anigu habeenkaa ma aanan joogin, laakiin maatidaydii markaa huruday guriga wixii habeenkaa gaadhay ee dhibooto ahaa weli way u bukaan oo kamay bogsan, madaxweyne  Axmed Siilaanyo waxaan aqaanay ilaa maalintii miyi laga keenay ee dugsiga  Hoose ee Berbera lagu daray, intii ka danabaysayna, taakulooyin aanu ka abaal gudin abidkiina aanu ka abaal gudi karayn waan u tirsanayaa. Maarkhaatiga abaalkaan u galayna waa bulshada reer Somaliland idilkeed iyo kuwaan isku seegnay daraadii. Nin adeerkii ah madaxweynaha ayaa yidhi isagoo ka hadlaya masaladan maanta joogta oo kale, ‘Waxba yaanu xeerkay I marin xoolana I siine, Xaasha’e, Nin libin kaa xistiyay xumihii waa yaabe’

Haddii ay masaladu tahay tuu qaar suuqa jooga ugu sheekeeyey, madaxweynuhu muu garan waayin inuu waaran soo goosto intaanu aqalkayga baadhan, muu garan waayin inuu saldhiga booliska ee iga soo horjeeda ee aan anigu ummada u sameeyey intuu askar ka soo kaxaysto uu yidhaahdo aqalkaa ilaaliya wixii soo agalaya ama ka baxaya, muu garan waayin  hadh galay inuu cid u soo  diro  oo yidhaahdo  waxbaan tuhmay  oo aqalkaan eegay, muu garan waayin in muddada 70 ka sano ah ee aanu is naqaanay uu  ixtiraamo oo beeniyo haddii qaar beenaalayaal ahi waxaan jirin u sheegeen, muu garan waayin isagoo intuu leegyahay aan ka yarayn uu aqalka yimaado, sidii uu horeba  ugu iman jiray marka uu muraad ii leeyahay oo uu yidhaahdo sideebaad wax u qabtaan raali ahaada, intaas oo idil ayaa bayaan kaaga dhigaya inaaney masaladu tuu suuqa soo gashaday aanay ahayn ee ay runta ka fog tahay.

Waxaa se yaabka yabkii ah, waxa bulshadii reer Somaliland helay ee afkoodii xidhay, xaalkuna waxa weeye , ninkii qayrkii loo xiirayow adiguna soo qoyso, gunimo  nina  kuma noolaado haddaanu isagu guudka u ridan, markaad ka aamusto tanoo kale dulinimo ayaad guudka u ridatay.

Haddaba, maxaa xidhay afkii salaadiinta, culimaa’udiinka, waxagaradka, madaxdhaqameedka , ururadda bulshadda iyo umadda inteeda kaleba, maxay xaalkan maanta taagan ee wadanka ka dhacaya ee kan aynu hadlaynaa ka mid yahay uga hadli laayihiin? Miyaanay damqanaynin? Inteebaanay ninkan u dul qaadan doonaan umadani? Waxay tahay inay ka hadlaan oo ay ka xumaadaan iyagaba berito ayay nin walba haysataa tan igu habsatay oo kale waana waajib.

Wixii wadankeena xumaynaya, nabadgalyadeena wax u dhimaya in laga hadlo weeye nina laba goor dhiman maayo ee mar qudha ayuu dhimanayaa, nin baa laga sheegay ‘Naftu waa maqnoow amase waa mahad ku noolow,’ nin waliba wuxuu maanta u xusul duuban yahay inuu caruurihiisa wax anfaca uga tago, anigu garan maayo xornimo, dawlad wanaagsan, cadaalad laysku xukumo mar haddii qofku aanu seexanayn sariirtiisa habeenkii isagoon ka baqayn in madaxweyne u soo diro dad uu isagu leeyahay oo uu rabaystay oo doonaya inay naftiisa qaadaan. Taasina maaha dhaxal caruuro looga tago, waa tii aynu inamadeenii, ku waynay, hablaheenii ku waynay, aduunyadeenii aynu ka dhaxalnay awoowyadeen iyo taynu shaqaysanayba labadaba ku waynay waa tii aynu laajiyiin iyo qaxoonti ku noqonay dhul qalaad oo aan inoo roonayn ee ina gaysay, waa taanu dhaqankeenii iyo sharafkii aynu beri lahaan jirnay ku waynay, waa kii Afweyne camalka maanta bilaabay. Markaa haddaan maanta ninkan laysaka hortaagin oo aan la odhan intaasi nagu filan iyadoo gacmaha lays haysto ee saaxiiboow jooji waxaad wadaa na anfici maysee saddexdaa sano  ee u hadhay wax kalaa dhici doona.

Waad arkaysaan dhaqaalihii wadanku meeshu uu ku danbeeyey anigu garan maayo, waxaa jira wasiirada uu isagu xukumo ee uu doortay una jecel yahay waxay ku dhaqaaqeen inay iibiyeen aqalkii dawlada ee ay ku jireen, waase laga gaadhay, qaar kale ayaa waxayaabo badan oo ay umadu og tahay ku dhaqaaqay oo aan waxba laga sheegin shaqooyinkoodiina haysta .

Waad ogtihiin inaanay ina soo marin dawlad ka xumi tan maanta joogta, ilaa iyo maalintii ay Somaliland cagaheeda isku taagtay.

Umad yahay reer Somaliland, anigu 90 jir baan ahay saxadayduna ma fiicna intaan hadlayaa waa beri iyo saadanbe, markaa waxaad yeelaysaan, tashada gacmaha is qabsada ninkani waxyaabaha uu samaynayo dadka uu ka dafiray xuquuqdoodii dastuuriga ahayd, kuwana xabsiga u taxaabayo, kuwana uu mirayo habeenkii dastuurka aynu dhiganay kuma qorna waanu baal maray .

Waad ogtihiin oo nin xumi qolo iyo qabiil ma leh, abaalna ma leh dantiis ayuunbuu yaqaan, kana maaha kii aynu sugaynay inuu meel baad iyo biyo leh u hor kaco, tiiro dheerna uu ka saaro, Xamar buu u rarayaa halkii aynu ka nimi iyo halkii uu Afweyne ardayga qarsoon ugu ahaa 20 kii sano ee aynu Xamar joognay, dantiisa ayaa u muuqata oo waxa uu leeyahay Xamar baan muus ku cuni doonaa. Markaa tashadda.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *