BREAKING NEWS
Search

‘Eedaasi Gaboose waxaan u arkaa mid aan meel mar ahayn, waana nin iska jeclaystay in uu muuqdo’ Afhayeen Cukuse

Hargaysa (Foorenews):-  Afhayeenka  madaxtooyada Somaliland Md C/laahi Maxamed  Daahir (Cukuse), ayaa eed aan meel  mar ahayn ku tilmaamay  hadal  maanta ka soo yeedhay guddoomiyaha urur siyaasadeedka Ummada Dr. Maxamed  Cabdi Gaboose, oo ku eedeeyay madaxwaynaha Somaliland in uu doonayo in ay dib u dhacdo doorashada goleyaasha deegaanka. Si uu maalmo sharci daro ah mustaqbalka xafiiska u sii fadhiyo marka ay is riixaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiiladu.

 

Afhayeenka  madaxtooyadu waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi  uu caawa siiyay shebekada wararka ee Somaliland.org, waxaanu ku sheegay in xukuumada madaxwayne Siilaanyo ay dadaal u gashay sidii ay dalka sanadkan uga qabsoomi lahayd doorashada goleyaasha deegaanku.

 

 C/laahi Cukuse  oo daba socday hadalkii Dr. Gaboose waxa uu yidhi  “Eedaasi gaboose anigu waxaan u arkaa mid aan meel mar ahayn,  waana nin iska jeclaystay in uu muuqdo, madaxwaynaha   iyo xukuumadu waxay dadaal ugu jireen in ay doorashada goleyaasha deegaanku qabsoonsto sanadkan”.

Afhayeenku isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waa la ogyahay oo  markii hore waxaa doorashada goleyaasha deegaanka caqab ku ahaa  musharixiinta siyaasada oo muddo shan sanadood ah hor taagnaa, taasi oo ahayd arrin la furdaamin kari la’aa”.

Mr. Cukuse waxa uu sheegay in Madaxweynuhu ku guulaystay inuu furdaamiyo caqabad muddo shan sanadood ku gadaanayd inay qabsoonto doorashada goleyaasha deegaanku. “Wuxuu ku guulaystay madaxwaynuhu isaga oo adeegsanaya khibradiisa siyaasadeed  in dadka reer Somaliland  uu waydiiyo oo uu rayi ka ururiyo, in uu goleyaasha rayi ka qaado, in uu aqoon yahanada rayi ka qaado,  in uu madax dhaqameedka rayi ka qaado, rayi ururintaana ka soo saaro go’aan lagu wada qanacsan yahay, sidaana uu ka dhasho in ururadii siyaasadeed oo tiro badan dalka mar qudha laga wada furto,”ayuu yidhi Afhayeenku.

Waxaanu intaasi ku daray “Intaa ka dib madaxwaynuhu waxa uu magacaabay guddida diiwaan gelinta iyo kala saarista ururada siyaasada, kuwaasi oo iyagana xaruntoodii iyo xafiiskoodiiba loo diyaariyay oo hawl galay, waxay iyaguna ku guulaysteen  in ay ururadii siyaasada kala reebaan waanay ku guulaysteen oo way kala reebeen.”

Md. Cabdilaahi Cukuse waxa uu sheegay in madaxweynuhu cid kasta oo doorashadu khusayso uu ugu yeedhay inay fudaydiyaan wixii ku xidhan, waxaanu yidhi “Madaxwaynuhu cid kasta oo ay arrintani khusaysaba waxa uu ugu yeedhayaa in ay ka shaqayso  wixii kaga xidhan  in ay dalka doorasho ka qabsoonto, ururada siyaasada ee soo dhaweeyay talada guddida doorashooyinkana  waanu ku amaanaynaa.”

 

 isaga oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa Dr. Gaboose xiligan ku ka lifay in uu naqdiyo madaxwayanha, waxa uu yidhi “haddii aad I waydiisay maxaa Dr. gaboose xiligan ka keenay hadalkan noocan oo akle ah, kolay marka uu dad isugu yimaado meel lagama waayo qof guranacan oo kelidii wado qaldan mara, waxaanay ila tahay  in ay gaboose halkaas uun la martay.  Goleyaasha deegaanku ma aha sida gaboose qabo kuwo noqonaya qaar madaxtooyada u adeega, arrintaasina meesha ma taalo.”



Foore/Editor General

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *